Dhaqaalahaaga arday ahaaneed

Swiidhan waxbarashada sare lacag la’aan ayey u tahay muwaadiniinta Midowga Yurub/Iskaashiga Dhaqaalaha Yurub ama Switzerland. Dadka sharciga degganaashada heysta ee Swiidhan jooga sidoo kale uma baahna in ay lacag codsasho-ama waxbarasho dalbadaan. Xitaa waxbarashada PhD-du lacag la’aan ayey dhammaan dadka u tahay. Laakiin ka arday ahaan waxaad sidaas oo ay tahay u baahan doontaa lacag cunto, deegaan iyo buugaagta koorsooyinka.  Sida ugu badan ee dhaqaale ahaan leysugu bixiyo inta wax la dhiganayo waa in la Xarunta dhexe ee guddiga waxbarashada, CSN, laga dalbado taageero wax barasho. Taageerada waxbarashadu waxay ka koobantahay kaalmo dhaqaale oo aadan u baahneyn in aad dib u soo celisid iyo deyn waxbarasho oo aan khasab ahayn oo ay khasab tahay in aad billawdid in aad dib u soo celisid ka dib marka aad waxbarashada dhammeysid.

Xaqaaga taageerada waxbarashada wax saameyn ah kuma yeelaneyso inta lacag ah ee bangi kuu taalla ama inta lacag ah ee ay qoyskaagu helayaan. Laakiin waxaa jira xad ku aaddan inta aad adiga naftirkaagu kasban kartid muddo sanad bar gudihiisa ah adiga oo wax baranaya. Uma baahnid wax damaanad ah in aad leedihid si aad deynka waxbarashada u qaadatid, laakiin waa in xilli dugsiyeed kasta aad qaadatid tiro go’an oo dhibcooyin jaamacadeed ah si aad taageerada waxbarashada u sii heshid. Xeerar kale ayaa shaqeynaya haddii aadan muwaadin swiidhish ah ahayn. Macluumaad dheeraad ah oo taas ku aaddan waxaad ka heleysaa csn.se.

Boorso istuudiyo

Boorso istuudiyo waa kaalmo dhaqaale oo lacaguhu ay ka imaanayaan deeq bixiyayaal ama lacag degmo ama xukuumadi oggolaato.

Xaggeed boorso istuudiyo ka heleysaa?

Toos ayaad boorso istuudiyo uga raadsaneysaa cidda qeybineysa. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa jaamacad, urur, urur samafal, bangi, xafiis abuukaate ama qof shakhsi ah. Macluumaad ku aaddan boorso istuudiyo waxaad ka heli kartaa jaamacadaha, ururro diimeedyada, dugsiyada, degmooyinka iyo maamul gobaleedyada.. Maktabadda waxaa badanaa yaalla buugaag boorso istuudiyo.

Qaar boorso istuudiyaha ka mid ah cid walba wey codsan kartaa laakiin badankooda waxaa codsan kara oo keliya kuwa shuruudo gaar ah oo loo baahanyahay buuxinaya.

Ardayda ay Swiidhan khasabka tahay in ay khidmada xilli dugsiyeedka bixiyaan waxay codsan karaan boorso istuudiyo iyagoo maraya machadka Swiidhishka iyo jaamacadaha. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa barta intarneetka ee www.studyinsweden.se.

In la shaqeysto inta wax la baranayo

Waxbarasho waqti buuxda ah waxay badanaa u baahantahay waqti aad u badan sida shaqo buuxda, micnaha 40 saacadood usbuuciiba. Qaar ardayda ka mid ah si qeyb ahaan ah ayey u shaqeeyaa isla mar ahaanta ay wax dhiganayaan, laakiin marka aadan muxaadarooyinka tegin waxaad u baahantahay in aad qeyb weyn oo waqtigaaga ka mid ah u isticmaashid wax akhris kuu gooni ah ama si wada jir ah aad saaxiibbadaada waxbarashada wax ula akhrisatid.

Deegaan arday

Ka arday ahaan waxaa jira deegaanno kala duduwan oo la kala dooran karo. Waxaad dooran kartaa in aad guriga degganaatid haddii ay jaamacadda aad heshay ay ku taallo meel guriga u dhaw. Haddii kale waxaad kireysan kartaa abaartamiinto arday ama qol ku yaalla marinka ardayda. Haddii aad deggantihid marin ardayeed waxaad heli doontaa qol kuu gooni ah, kushiinkana waxaad la qeybsaneysaa ardayda kale. Helitaanka degaannada ardaydu wuu kala duduwanyahay magaalooyinka kala duduwan. Si fudud waxaad macluumaad uga heli kartaa jaamacad walba barteeda intarneetka. Macluumaad ku aaddan deegaannada ardayda waxaad sidoo kale ka heli kartaa golayaasha ardayda ama shirkadaha guryaha ee gaarka loo looyahay. 

In la helo meel la dego inta wax la baranayo wey adkaan kartaa. Aadbey muhiim u tahay in aad si dhakhsi ah u billawdid in aad wax u raadsatid, gaar ahaan haddii aad magaalo weyn wax ku baraneysid. Studera.nu. ayaad ka heleysaa macluumaadka xiriirka ee dhammaan jaamacadaha Swiidhan, iyo macluumaad ku aaddan deegaannada.

Nolosha ardayda

Xaafado badan oo wax lagu barto waxaa ka jira nolol urur oo weyn, waxaana waxbarashada dhinaceeda lagu abaabulaa, leyskuna casuumaa hawlo dhaqdhaqaaq leh oo tiro badan iyo waxyaabo lala kulmayo. Waxay ku saabsanaan karaan laga billaabo dhaqan iyo maaweelo ilaa iyo siyaasado arday iyo isboorti. Badanaa waa golayaasha ardayda kuwa dhaqdhaqaaqyada abaabulaya. Gole arday waa urur madax bannaan oo ka shaqeeya danaha ardayda. In xubin laga noqdo golaha ardaydu waa wax iskaa iyo haddii aad doontid ah.

Taageero inta aad waxbarashada ku jirtid

Dhammaan jaamacaduhu waxay inta aad wax baraneysid bixinayaan wax qaab taageero ah. Waxaad caawimaad u heli kartaa laga billaabo in aad horuumarisid farsamadaada wax dhigashada, sida aad u qoreysid qoraallo jaamicinimo ilaa iyo in aad koox ka hor hadashid.  Adeegyadu waa lacag la’aan, wax door ahna kuma laha koorsada ama barnaamijka aad dhiganeysid. Cid walba waa la soo dhaweynayaa!

Dibadda wax ku baro

Jaamacadaha swiidhishka badankoodu jaamacado dibadda ah ayey heshiisyo kala leeyihiin barnaamijyo kala duduwan si dibadda wax loogu barto. Waqtiga aad dibadda wax ku soo dhiganeysid wuxuu qeyb ka noqon karaa barnaamijka swiidhishka, dhibcaha jaamacadda ee aad dibadda ku qaadaneysid waa la xisaabinayaa marka aad Swiidhan u soo laabatid.

Si aad uga qeyb gashid barnaamij wax isdhaafsi oo dibadda ah waa in laguu qaatay jaamacad Swiidhish ah. Badanaa waa in aad Swiidhan ku qaadataa tiro go’an oo dhibco ah inta aadan dibadda waxbarasho u aadin. Sidoo kale si buuxda iskaa waad u debberan kartaa, waadna u maareysan kartaa waxbarasho dibadda ah sida waxa loogu yeero free-mover student.

Waxaad waxbarashadaada dibadda ku qaadan kartaa taageero waxbarasho, micnaha kaalmo iyo deyn. Waxaad sidoo kale raadsan kartaa boorso istuudiyo. La xiriir isku duwaha caalamiga ah ee jaamacaddaada si aad u heshid macluumaad dheeraad ah. Waxaa xitaa macluumaad ku aaddan in dibadda wax lagu barto laga heli karaa: www.studera.nu.

Erasmus+

Barnaamijka ugu weyn ee arday is dhaafsiga waxaa la dhahaa Erasmus+, waana barnaamij Midowga Yurub ah oo loogu tala galay waxbarashada Yurub. Erasmus+ waxay fursad kuu siineysaa in aad dibadda wax ku baratid 3- 13 bilood. Arday Erasmus+ ahaan waxaad dhigan kartaa heer hoose, heer mastar ama heer PhD intaba. Wax dheeraad ah oo ku aaddan barnaamijka Erasmus+ waxaad ka akhrisan kartaa Studera.nu.

Page last updated 2023-11-08