Shaqo waxbarashada ka dib

Si fiican oo lagu heli karo macluumaad ku aaddan shaqo iyo doorasho xirfadeed waa Xafiiska shaqada. Bartooda intarneetka waxaa ku jira macluumaad fara badan oo loogu tala galay adigaaga shaqada raadsanaya www.arbetsformedlingen.se.

Haddii aad leedahay waxbarasho dhammeystiran oo ah waddan kale oo aan Swiidhan ahayn waa laguu qiimeyn karaa iyadoo la barbar dhigayo nidaamka waxbarashada swiidhishka. Taa waxaad dabadeed isticmaali kartaa haddii aad dooneysid in aad Swiidhan wax horay uga sii baratid ama waxaad tusi kartaa shaqa bixiyaha marka aad shaqo raadineysid. Macluumaad dheeraad ah waxay ku jiraan www.uhr.se

Page last updated 2021-02-24